DF oo sheegtay xarumo Al-Shabaab inay bur burisay

Baydhabo (Raxanreeb) — Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgalo qorsheeysan ka sameeyay degaano katirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay rurka 46-aad Guutad 8-aad Qeybta 60aad, waxana laga sameeyay degaannada kala ah War-iishe, Keeysaneey, Buulo-jadiid, Raamo-cadooy, iyo Moodo Moodo.

sameeyeen Taliyaha Ururka 46-aad Xidigle Muxudiin Maxamed Xaaji ayaa Warbaahinta Ciidmadda Qalabka Sida u sheegay in Ciidanka ay bur buriyeen Xarumo iyo Maxkamad ay Al-Shabaab lahaayeen oo ay dadka ku dhibaateyn jireen.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa degaannada iyo degmooyinka Gobolka Baay ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab ka saarayaan.

Degaano katirsan Gobolka Baay waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaa sidoo kale Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay sameeyaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.