Dagaal culus oo mar kale ka qarxay Hiiraan

Jalalaqsi (Raxanreeb) — Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta markale uu dagaal culus dib uga qarxay deegaanka Ceel Macaan oo u dhow degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi, isla markaana saaran waddada laamiga ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo ciidamada Macawiisleyda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo weeraray deegaankaasi.

Labada dhinac ayaa isweydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo rasaas xooggan laga maqlayo deegaanka Ceel Macaan iyo agagaarkiisa.

Dagaalka ayaa daba socdo howlgal ay shalay deegaankaas kula wareegeen malleeshiyaadka Macawiisleyda, waxaana kaddib dagaal rogaal celis ah soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socdo halkaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Hiiraan ayaa waxaa ka socdo dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada huwanta & Shabaab, wuxuuna shalay dagaalkii ugu cuslaa ka dhacay deegaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan, kaas oo ay ka qaybgaleen ciidanka Jabuuti ee ku jira ATMIS.

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay howlgalladii ugu dambeeyay ayaa shaacisay in lagu dilay illaa 200 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena laga saaray deegaanno horleh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.