Jowhar (Raxabreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay fashiliyeen isku day kooxaha Al Shabaab ay doonayeen in gaari qarax ah ay ku weerarto mid ka mid ah saldhigyada ciidanka ee deegaanka Masaajid Cali Guduud.
Gaari nuuciisu yahay Leyla calaawi oo ay kooxdu qarax ku soo rartay ayaa dhowr xabo oo qoriga Sabanka lagu riday maadaama xogtiisa la hayay ayay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda.
Waxa ay ku warameen saraakiisha ciidanka inuu ku qarxay gaariga meel 100 Miter u jirtay xerada deegaankaas ay ka degan yihiin ciidanka Dowladda.
Lama sheegin wax qasaaro ah oo uu gaystay gaarigan la sheegay inuu siday waxyaabaha qarxa sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka.
Deegaanka Masjid Cali Gaduud ayaa dhawaan waxaa laga saaray kooxda Al Shabaab kuwaas oo sanado badan ka dib dagaal kaga baxay deegaankaas oo hadda ay ku sugan yihiin ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Leave a Reply