Muqdisho ( Raxanreeb ) Hadal si aad ah u dhibsadeen dadka badan oo ku nool magaaalada Muqdisho ayuu ka jeedayay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho meel fagaara ah oo ku taala magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in bishan September 2023 mushaarka shaqaalaha dowladda hoose ay ugu deeqeen ciidanka Dowladda ee howlgalka kala soo horjeeda kooxda Al- Shabaab.
Madaale ayaa si xamaasad leh u sheegay in taas qayb ka tahay sida uu yiri dhiirgalinta ciidanka ee halganka ku jira kooxda Al-shabaab kaas oo xoogiisa uu ka socdo Galmudug.
Dadka badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay , kuwaas oo sheegay in hadalkaas uu yahay mid Guddoomiyaha uu ku fududaay isla markaana lagu cuna- qabataynayo shaqaalaha Dowladda hoose.
Qaarkoodba ayaa sheegay in hadalka Guddoomiye Madaalle uu dhaawici karo , howlgalada socda dhinac kalena u jihayn karo sida hadda Dowladdu u wado , maadama shaqaalaha qaarkood mushaar ku filan aan qaadan.
Inta badan shaqaalaha gobolka Banadair ayaa qaata lacag aan ka badneyn 300-dollar, taa oo shaqaalaha qaarkood qoysas ka biishaan , sidoo kale ka bixiyaan kirada guryaha ay dega yihiin, waxaana laga yaabaa haddii ay hal bil waayaan xaalku ku adkaado.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana loogu baaqay in uu ka laabto goáanka uu shaqaalaha gobolka Mushaarkood ku deeqayo, waxaana loogu baaqay in ugu yaraan qeyb kamid ah mushaarka ku deeqo ama ku deeqo midka ay madaxda sare qaataan.
Leave a Reply