WARBIXIN : Cabsi laga qabo in markale ay dilaacaan Burcadbadeed

WARBIXIN : Cabsi laga qabo in markale ay dilaacaan Burcadbadeed

Muqdisho (Raxanreeb ) Afhayeen u hadlay Pentagon ka Mareykan-ka oo lagu magaacaabo Brigadier General Patrick Ryder ayaa sheegay inay ciidamada mareykanka ka hortageen weerar koox burcad badeed Soomaali ah ay ku qaadeen Markab ganacsi oo mareyay xeebaha Badda Cas.

Markabka la weeraray oo ahaa nooca Shidaalka qaada ayaa lagu magacaaba Central Park waxaana gacanta lagu dhigay kooxdii iskudayga afduub geystay kuwaas oo tiraadoodu gaareyso 5 dhamaantoodna lagu sheegay inay Soomaali yihiin.

Mareykanka waxaa uu carabka ku adkeyay in weerarka uu la xiriiro burcad badeed Soomaali xilli hore u soo baxeen warar sheegaya in ay kooxda Yemen ka dagaalanta ee Xuutiga ay ka danbeeyeen weerarkaas.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xilli koox hubeysan ay dhawaan Deegaanka Eyl ka afduubteen doon kaluumeysi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah taas oo markii danbe ay ku hanjabeen inay weerar ku geysan doonan hadii aan la siin lacag.

Ma cadda in doontaas iyo weerarkan la fashiliyay ay xiriir leeyihiin.

Cabsi xoog leh ayaa laga qabaa in markale xeebaha Soomaaliya ay weeraro abaabulan ka geystaan kooxaha burcad badeed oo mar saameyn xoogleh ku yeeshay isku socodka gadiidka aduunka ee isticmaala marinada u dhow badda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.