Muqdisho (Raxanreeb ) – Isagoo ka hadlayay maanta oo Talaada ah xarunta Golaha shacabka ee Barlamaanka ayaa madaxwaynihii hore ahna xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka waxaa uu aad u dhaliilay siyaasadda madaxwayne Xasan .
Madaxwayne Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in Dastuurka uu muhiim u yahay dowladnimada, isla markaana uu taageersan yahay in la dhameystiro, hase ahaatee sida hadda wax u socdaan aanu aheyn dhameystir ee uu yahay Dastuur bedelid.
“Dastuurku waa arrin muhiim u ah dowladnimada, muddo dheer waa soo socday, waxaan taageersanahay in Dastuurka la dhameystiro, laakiin marka aad hadda fiiriso Dastuurka ma dhameystiraa mise waa bedel, tusaale waxaa wax laga bedelay 45 qodob iyo 94 farqadood, Dastuurka haddii la bedelayo waxaa uu u baahan yahay nidaam ka duwan dhameystir, waxaa uu u baahan yahay la tashi ka ballaaran intaan”ayuu yiri Xildhibaan Shariif Sheikh Axmed.
Waa uu sii hadlay waxa uu yiri Shariif Sheekh Axmed.
“Annagoo Xildhibaano ah oo nala soo doortay oo deegaano ka kala nimid oo ah hey’adda kaliya ee loo dhan yahay ma aaminsani inay sax tahay inaan ka shaqeyno wax keeni kara kala qoqobnaan”.
Waxaa kale oo uu si weyn uga horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan in dalka uu u guuro nidaamka madaxweynaha iyo ku xigeen, taas oo uu ku tilmaamay arrin halis ah.
Leave a Reply