Beledwayne (Raxanreeb ) – Khilaaf u dhaxeeya maamulka Hirshabeelle ayaa markale soo laba kacleeyay maalmo uun ka dib markii magaalada Jowhar uu ku soo dhamaaday shir looga hadlayay xaaladda Hirshabeelle.
Shirka Jowhar waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle kuwaas oo ka kala tagay magaalooyinka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe .
Amar la sheegay inuu ka soo baxay maamulka Hiiraan ee ka gadoodsan Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in diyaaradii diida hadalkooda amar ay u qabaan ciidanka in ay dhulka soo dhigaan.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi miimin Cilmi ayaa Hay’adaha ka shaqeeya duulimaadka ka digay in ay ka dhega adeegaan amarka ka soo baxay hoggaanka sare ee Hirshabeelle.
Cabdi miimin Cilmi ayaa ku eedayay madaxda maamulka Hirshabeelle in ay wiiqaayaan sida uu hadalka u dhigay horumarka dadka deegaanka kuwaas oo in mudda ah lagu hayay warar been abuur ah
Waxaa muuqanaya in markale ay xiisad xaga siyaasada ah ay ka dhax bilaabatay siyaasiinta ku kala sugan Jowhar iyo Beledwayne.
Leave a Reply