WARBIXIN | Damaca Villa Somalia ee Dastuurka oo diidmo la kulmay.

WARBIXIN | Damaca Villa Somalia ee Dastuurka oo diidmo la kulmay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Waxaa in mudada ka tagan siyaasada Soomalia khilaf ka dhashay hananka loo marayo dhamestirka dastuurka dalka oo ay dowlada Soomalia ay rabto in lasoo gaban gabeeyo dooda dhamestirka dustuurka dalka oo in mudaa soo taagnaa.

lakiin waxaa diidan sida loo marayo dhamestirka duusturka dalka siyaasiyiinta mucaaradka oo ay hor boodayan siyaasiyiin miisan culus ku dhax leh siyaasada Soomaliya sida madaxweynihii 9 aad ee Dowladda Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo.

Farmaajo ayaa   in mudaa ah ku maqnaa  dalka dibadiisa  dib u soo laabashadiisa  ayaa  ugu wayn sida uu sheegay ka qayb qaadashada dastuurka furan ee dalka,sidoo kale waxaa kamida dadka sida weyn u diidan sida ay mareyso dowladu dhamestirka dastuurka madaxweynihii dowladii ku meel gaarka ehayd ee Shaariif Sheekh Axmed kasoo ahaa garabkii mucaarad ee madax weyynaha hada talada dalka haya ee xasan shiikh maxamuud .

Dowladu waxaa ay dooneysa in wax laga bedelo dastuurka si uu markale ufarsad ugu helo musharaxnimo kale madax weyne xasan shiikh maxamuud oo hada haya hugaanka dalka markiisi labaad asagoo aan ilaa iyo hada dalka kaqaban  balan qaadyadiisi xiliga olaha doorashada uu kusoo galay kusoo uhorseed in ay aqbalaan barlamanka dalku soo labashada madax weyne xasan shiikh markiisi labaad ee dalka doorosho aad u ad keed oo kadhacday tendhada afisyooni ee msgalada muqdusho.

Ololaha doorashada ee madax weynaha Waxaa kamid ahaa soomalia hishiisa dunidana hishiis la ah hadii aan ku hormarno soomali hishiisa markii uu imanayay dalka madax weyne xasan shiikh waxaa bilowday khilaaf aan laga fadhiisan oo udhaxeeya puntuland iyo dowlada kasoo salka ku haya khilaaf iyo isfahan waa siyaasadeed oo soo kala dhax galay labada dhinac waa dowlada iyo maaamulka puntuland .

Intaas kuma eka dhibatooyinka kadhax jira dadka soomaliyeed oo uusan kahishiisiin madax weyne xasan shiikh maxamuud gobalada hiiran shabeelaha dhexe iyo galgaduud waxaa dib ugasoo laba kacleeyay anooyinka qabiiliga ah kuwasoo ay dad badani kuwax yeeloobeen soomaliland la haadalkeedi kaliya halmar ayuu qabsoomay mana jirto wax ku ool ah oo kasoo baxay shirkaas bal iskaba daaye waxaa taagan khilaaf kasiii xoogan sidii hore kasoo ah hishiiska bada cas oo ay si bareera ay soomaliland ula gashay dalka itoobiya tasoo geentay ay dowlada soomalia kaceliso hawada soomaliland diyaaradihii usocdaalayay magaalada hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.