Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay kasoo saartay warbixin lagu daabacay Wakaaladda Wararka Reuters, ku tilmaamtay mid waxba kama jiraan ah, taas oo la xiriira arrimaha Badda in ay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo William Ruto.
Xogtan Wakaaladda ay adeegsatay waxa ay kasoo xigatay Korir Sing’oei, oo ah xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kenya, waxuuna sheegay in labada Madaxweyne ay isku soo hadal qaadeen damaca gurracan ee Itoobiya ee ka dhashay heshiis-beenaadkii ay shaacisay in ay la gashay maamulka Somaliland.
Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay marnaba gorgortan ama wadahadal ka geli doonin ilaalinta qarannimada, madaxbannaanida iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed sidaas awgeed warka la baahiyay aanay ku jirin ajandaha wadahadalka labada Madaxweyne ee Magaalada Nairobi ka dhacay.
Ugu dambayn waxa lagu beeniyay qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo lagu sheegay in aanay waxba ka jirin xogtaas.
“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Soomaaliya.
“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Itoobiya ayaa culays xooggan kala kulantay tallaabadii ay ku shaacisay heshiis-beenaadkii ay sheegtay in ay la gashay maamulka Somaliland, kaas oo si rasmi ah, bannaanka usoo dhigtay 1dii Janaayo sanadkan 2024, waxaana ka dhashay falcelin xooggan oo Shacabka Soomaaliyeed Dowladda Federaalka, iyo Dalal kala duwan ay ka sameeyeen arrintaas.