HESHIIS : Soomaaliya & KENYA oo galay heshiis cusub oo ganacsi.

HESHIIS : Soomaaliya & KENYA oo galay heshiis cusub oo ganacsi.

Nairobi (Raxanreeb )- Dowladda  ayaa  ku dhawaaqday  toddobaadka koowaad ee bisha Maarso inay Soomaaliya la galayso heshiis rasmi ah oo la xiriira arrimaha qaadka , si loo xaqiijiyo faa’iido dhaqaale, loona abuuro hanaan sharci oo ganacsiga qaadku ku shaqeeyo.

Xoghayaha beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Kenya, Mithika Linturi oo arrintan shaaciyay, wuxuu intaa ku daray  in qaadku uu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha degmada Meru.

Heshiiskan ay Kenya sheegtay inay la galayso Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo bilihii u dambeeyay uu hareeyey khilaaf la xiriira dhinaca canshuurka ganacsiga qaad ee ay Kenya maalin walba u dhoofiso Soomaaliya, tan oo u muuqata inay Kenya doonayso in la xaddido canshuurta is bedbedasha ee qaadka oo ah maandooriye halis ku ah caafimaadka.

Muddo ku dhawaad laba todobaad laga joogo ayaa dib waxaa u billowday qaadkii tegi jiray Muqdisho, ka dib markii muddo hakad ku jiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka Miiroowga ee Muqdisho tagaya sida maalin laha ah ku canshuurta lix dollar kiiladiiba.

Kenya waxay muddo raadinaysay suuq ay isku hallayn karto oo ay u dhoofiso qaadkeeda. Soomaaliya dhowr goor oo hore ayuu ganacsiga qaadku hakad galay.

Sannadihii u dambeeyey waxaa ganacsiga qaadka ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya hareeyey khilaaf soo noqnoqonayey, horena uma aysan jirin heshiisyo qaadka la xiriira oo ay labada dhinac wada galeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.