WAR KOOBAN : Ciidanka dowladda oo ku dagaalamay gudaha Muqdisho.

WAR KOOBAN : Ciidanka dowladda oo ku dagaalamay gudaha Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb )- Ciidama katirsan Nabad Sugida iyo kuwa Milatari ah ayaa goordhaw ku dagaalamay meel udhaw isgoyska Boondheere waxaana la maqlayay hubka culus iyo kan fudud.

Ciidamada ayaa is horfadhiya wali waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada NISA ay weerareen Guri uu Dagan yahay Sarkaal katirsan Ciidamada Milatariga gaar ahaan kuwa Danab goobta waxaa sidoo kale tagay Ciidamada Gaashaan.

Dad shacab ah oo goobta joogay ayaa u sheegay Raxanreeb in ay jiraan khasaare soo gaaray ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku dagaalamay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Inta dagaalka uu socday waxaa hakad galay isu socodka dadka ,gadiidka iyo dhamaan ganacsiga ku dhaw halka dagaalka uu ka dhacay caawa ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Wax war ah ma aysan ka soo bixin wali Hay’adaha amniga oo ay uga hadlayaan dhacdadan iska hor imaadka ah ee dhaxmaray ciidan ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.