BIRIQ xoolo badan ku baabi’isay gobolka Hiiraan.

BIRIQ xoolo badan ku baabi’isay gobolka Hiiraan.

Beledwayne (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xoolo badan badan oo biri ay ku dishay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka

In ka badan 300 oo neef oo ari ah ayaa dhintay kadib markii ay biriq ku dhacday gobolka Hiiraan , sida ay sheegeen dadka deegaanka u sheegeen warbaahinta.

biriqa ayaa ku dhacday deegaanka Teedaan oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas, kadib roobab mahiigaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay gobolka Hiiraan.

Milkiilaha Xoolaha Cali Cabdi Amiin oo loo yaqaano Cali Afeey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in biriqda ay ku dishay ariga hal xero, islamarkaana aysan jirin cid ka badbaaday xoolihiisa.

Cali Afey oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa intaa ku daray in nolosha saddex qoys oo tiradoodu dhan tahay 40 qof ay ku tiirsan tahay xoolaha nool, isla markaana aysan hadda qoyskaasi waxba u harin.

Marka la guda galo waqtiga roobka waxaa aad u bata dadka iyo xoolaha inta badan ku baa’ba biriqda roobka ka dhalata waxa ayna inta badan ay ka dhacdaa gobolada dalka  oo roobka xoogiisa uu ka da’o.

Leave a Reply

Your email address will not be published.