SSC Khatumo oo eedeyn culus u jeedisay Somaliland.

SSC Khatumo oo eedeyn culus u jeedisay Somaliland.

Laascanood (Raxanreeb )- War ka soo baxay maamulka  ugubka ah ee SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay in Somaliland ay wado saansaan colaad oo ay doonayso in markale uu dhaco dagaal dhiig badan  sabab u noqda sida lagu yiri warka.

Waxa Somaliland ku eedayay warka ka soo baxay Khaatumo inay colaad sokeeye ka hurinayaan degaanada gobolka Sanaag, ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay labo qof oo shacab ah oo kasoo jeeday  SSC.

Warka  kasoo baxay  Khaatumo ayaa lagu sheegay, in Somaliland ay ciidamo ku abaabulayso gobolka Sanaag, taasoo ujeedka laga leeyahay uu yahay in colaad la galiyo gobolkaas sida uu maamulka SSC sheegay.

HOOS KA AKHRISO.

Leave a Reply

Your email address will not be published.