RW Xamse ‘’ Teedhada dambe laguma laaban doono inta aan xafiiska joogo ‘’

RW Xamse ‘’ Teedhada dambe laguma laaban doono inta aan xafiiska joogo ‘’

Muqdisho (Raxanreeb )- Ra’iisulwasaare  Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka dhawaajiyay in xukuumadiisa inta ay jirto ahmiyad gaar ah ay siin doonto  hirgelinta dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay, taas oo horseedda in  dalka ay k dhacdo doorasho dadwayne

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray,” sida uu yiri Ra’iisulwasaare  Xamsa Cabdi Barre

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka sheegay shir looga hadlayay arrimaha dib u heshiisiinta oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Dowladda hadda jirta ayaana shaki badan laga qabaa in ay dooneyso muddo kororsi dadban in ay sameesato ,si qabsoomida doorasho qof iyo cod ah mar marsiiyo uga dhigato.

Leave a Reply

Your email address will not be published.