Puntland ” In la xiro xafiiska UNSOM waa qar iska tuurnimo”.

Puntland ” In la xiro xafiiska UNSOM waa qar iska tuurnimo”.

Garowe (Raxanreeb )-Puntland ayaa go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in la baabi’iyo xafiiska UNSOM ku tilmaamtay, go’aan aan laga fiirsan oo Qar iska xoornimo ah.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlayay BBC Soomaali, ayaa u sheegay, xafiiska xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya ee UNSOM, in uu kaalin muuqata ku leeyahay amniga iyo siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay, xilligan, in aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo awood leh oo dalka oo dhan maamusha, sidaas darteed wuxuu sheegay xafiiska UNSOM inuu door wanaaagsan ku leeyahay u qareemidda iyo difaaca qaddiyadda dowladnimada Soomaaliya.

“Xasan isagaa maalin kaste looga yeeraa Xallane. Horta xaggee joogtaa dowlad oran kartaa xafiiska jimciyadda qurumaha ka dhaxeysaan ka maarannaa? Dowlad ma jirtaa baa meesha taalla,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.