Booliska oo soo bandhigay rag kufsi wadareed ka geystay Muqdisho

Booliska oo soo bandhigay rag kufsi wadareed ka geystay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Booliska Soomaaliya, ayaa soo bandhigay 5 rag ah, oo ku eedeysan inay kufsi wadareed ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaas oo wajahaya eedeymo culus oo ka dhan ah, booliska.

Raggan ayaa la sheegay in gabar ay u geeysteen kufsi wadareed kaas oo ka dhacay degmada Xamarweyne, gaar ahaan waaxda Horseed, guri jajaban, sidoo kalena booliska ayaa faafiyay sawirada raggan, oo markii danbe warbaahinta loo diiday in ay isticmaalaan.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigey Eedaysanayaal Kufsi Wadareedu geysteyGabar Soomalaiyeed

“Markay Taariikhda Aheyd10-05-2024 abaaro 06:00pm Fiidnimo waxaa Howl-gal lagu Soo Qabtey 5Eedeysane oo Kufsi wadareed u geystey Gabar Soomalaiyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Eedeysanayaashan ka kooban 5 nin ayay boolisku sheegeen marka ay la galeen gabadha guriga jajab ayna kufsadeen kaddib in ay ka baxsadaan caddaaladda in ay doonayeen.

Booliska degmada Xamarweyne, oo kaashanaya dadka shacabka ayaa ku guuleystay in ay soo qabtaan eedeeysanayaashan 5 ah.

Raggan, ayaa hadda ku xiran saldhigga booliska ee degmada Xamarweyne, kuwaas oo dhowaan la horgeyn doono garsoorka gobolka Banaadir.