MUQDISHO : Fadhihii ugu danbeeyay oo laga yeelanayo Sayid Cali oo xaaskiisa dilay.

MUQDISHO : Fadhihii ugu danbeeyay oo laga yeelanayo Sayid Cali oo xaaskiisa dilay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Fadhigii ugu dambeeyey ayay Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir maanta ka yeelan doontaa Kiiska eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo nolosha ku gubay xaaskiisa.

Kulankaan ka dib Maxkamadda ayaa laga sugaya in ay ku dhawaaqdo xukunka ay ku riday Sayid Cali.

Maanta ayaa lagu waddaa in Maxkamadda ay kasoo qeyb galaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida uu Qorshuhu yahay dhinacyada ayaa maanta lagu waddaa in ay keenaan Cadeymo dheeraad ah oo ku saasan kiiska ninkaan dhalinyarada ah.

Maxkamada gobolka Benaadir ayaa horay dil toogasho ah ugu xukunkaan ninkaan ka dib markii ay ku heshay in uu dilay xaaskiisii

Leave a Reply

Your email address will not be published.