Maxkamadda G/ Banaadir oo shaacisay go’aan ka gaariska kiiska Koofi Cabdul & Saabeey

Maxkamadda G/ Banaadir oo shaacisay go’aan ka gaariska kiiska Koofi Cabdul & Saabeey

Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa la filayaa in au go’aan ka soo saarto dacwad musuq maasuq oo loo heysto masuuliyiin hore oo dowladda Soomaaliya, ka tirsanaa kuwaas oo gaaraya in ka badan 10 agaasime oo ka soo shaqeeyay hey’adda Socdaalka, jinsiyadda, Wasaaradda maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Masu’uliyiintan kala duwan ayay dacwadoodu socotay dhowr bilood tan iyo iyo sannadkii tagay, iyagoo lagu soo oogay dacwad musuq maasuq, xatooyo xoolo dadweyne.

Saalax Dabaan, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyey dhageysiga dacwadii loo heystay ragaasi, isla markaana ay hadda dhiman tahay in go’aan laga soo gaaro keliya.

Dabaan, ayaa sheegay hadda kiiskaan musuq maasuqa ah, loo gudbiyey go’aan ka gaaris, isagoo sheegay inay shaacin doonaan go’aanka maxkamadda laga gaaro, inkastoo uusan shaacin wakhtiga rasmi ah, oo la shaacin doono go’aan ka gaarista kiiskan.

“Maxkamaddu si waafaqsan qodobka 119, waxay halkaan ku joojisay dhageysiga kiiskaan iyo doodii socotay, maxkamaddu go’aan ayey u dirtay galkaan, dhinacyaduna waxay ka soo saari doonaan go’aan, kaas oo bulshada lala wadaagi doono,” ayuu yiri guddoomiye Saalax.

Ragga loo haysto kiiska musuq maasuqa ayaa qeyb ka ah agaasimayaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Korneyl Koofi, Cabdul iyo agaasimihii canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Muxudiin Saabey ayaa ku jira ragga kiiskooda go’aanka laga gaarayo.

Kiiskan, ayaa ah, kii maxkamadda Gobolka Banaadir, ugi dheeree ee abid ay qabato iyadoo ay socdeen dhageysigiisa muddo ka badan 8 bilood.

Dhowaan ayaa la filayaa in Maxkamadda Gobolka Banaadir, ay go’aan ka soo saari doonto, iyadoo uu jiro tuhun xooggan oo ah, ta loo heysto oo ay is hayaan rag xilal ka haya dowladda, ay ku sumcad dilayaan raggan.