Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday ciidamada Itoobiya Bakool

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday ciidamada Itoobiya Bakool

Diinsoor (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya gobolka Bakool, ayaa sheegaya in uu sii xoogeysanayo dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo kooxda Al-Shabaab, oo mar kale dib u billaabay inay weeraraan ciidamadaasi, ku sugan Bakool.

Dagaalkii 2-aad ayaa 24 saacad gudahood labada dhinac ku dhex maray degmooyin kawada tirsan Bakool oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Itoobiya oo qayb ka ah ATMIS.

Al-Shabaab ayaa lasoo sheegay inay xalay weerar culus ku qaadeen saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana xigay dagaal toos ah, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay in ay ku dileen ciidamo katirsan kuwa Itoobiya halka kuwoo kalena ay ku dhaawaceen, sida lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale ciidamada Itoobiya, ayaa iyagana shaaca ka qaaday in ay iska caabiyeen kooxda soo weerartay ayna jabiyeen dibna u celiyeen weerarkaasi kaddib.

Xaaladda degmada Diinsoor, ayaa haatan ah, mid deggan, iyadoo haatan ay howlgallo kawadaan ciidamada Itoobiya kaas oo lagu baadi goobayo dagaalyahannadii xalay soo weeraray Saldhigga ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale shalay waxaa labada dhinac ku dhex-maray dagaal culus degmada Xudur, kadib markii saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ay weerareen kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaasi, ayaa ku billowday madaafiic, halka markii danbena la iskula tagay dagaal fool ka fool ah, oo sababay khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawac.

Gobolka Bakool ayaa ah, meelaha weli ay ku xoogganyihiin kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay weeraro culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada ATMS, iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.