Muqdisho (Raxanreeb) — Kooxda Daacish, ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegtay inay ka dambeyeen weerar loo adeegsaday qarax miino oo Talaadadii ka dhacay mid ka mid ah, degmooyinka magaalada Muqdisho.
Daacish oo qoraalkeeda ku baahisay baraha Internetka ayaa ku sheegtay in qaraxaasi ay la eegatay ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla degmada Dayniile, ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Kooxdan ayaa sheegatay inay weerarkan ay ku dishay ugu yaraan 2 askari, ayna ku dhaawacday 4 kale oo kamid ahaa ciidamadii ku sugnaa koontaroolka la qarxiyay ee ku yaalla degmadaasi.
Sidoo kale waxay intaasi kusii dareen kooxda Daacish, inay sii wadi doonaan weeraradooda iyo beegsiga ay beegsanayaan ciidamada dowladda federaalka iyo dadka kale ee u shaqeeyo Dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan sheegashada kooxda Daacish, ee ku aadan miinada ku qaraxday degmada Dayniile ee caasimadda magaalada Muqdisho.
Daacish, ayaa inta badan weeraro ka geeysta gudaha magaalada Muqdisho, weeraradaasi oo isugu jira weeraro gaadmo ah, iyo miinooyin, iyo hanjabado ganacsatada suuqyada Bakaaraha iyo Xamar weyne.