Guddoomiye ku xigeen lagu dhex dilay gudaha Muqdisho

Guddoomiye ku xigeen lagu dhex dilay gudaha Muqdisho

Muqdisho (Hornlife) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan ka gaysteen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, oo markii danbena goobta isaga baxsaday.

Mukhtaar Nuur Geesey, oo ahaa guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Deegaanka Lafoole, ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, sida ay innoo i sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Marxuumka ayaa lagu dilay afaafka hore ee gurigiisa, xilli uu ku sugnaa kaas oo ku yaalla degmada Dharkeynley, rag ku hubeysan bastoolado, ayaana raas ku furay isagoona ku dhintay, isla goobtaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay soo qaadeen maydka marxuumka oo ay geeyeen xarunta laanta dambi baarista ee C.I.D, si baaris loogu sameeyo dhacdadaasi.

Kooxda dilka gaysatay ayaa sida caadada ahayd goobta ka baxsatay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga dowladda Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa inta badan weeraro gaadmo ah, ka fulisa magaalada Muqdisho, iyadoona lagu ugaarsado masu’uliyiinta dowladda iyo ciidamada Amniga.

Muqdisho, ayaa amnigeedu wanaagaanaa muddooyinkii danbe xilli dilkan uu qeyb weyn ka noqonayo falalka amni darrada ee qeybta ah, amniga caasimadda Muqdisho.