Isra’il oo maanta duqeyn arxan darro ah ku dishay 15 ruux oo carruur ay ku jiraan

Isra’il oo maanta duqeyn arxan darro ah ku dishay 15 ruux oo carruur ay ku jiraan

Gaza (Raxanreeb) — Ciidanka Isra’aiil ayaa duqaynta arxan darro ah, ay ka fuliyay Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, saacadihii ugu horreeyay ee Jimcaha maanta ah ayay duqayn ay ka fuliyeen bartamaha Magaaladaas ay ku dileen ugu yaraan 15 ruux oo carruur ay ku jiraan.

Aljazeera, ayaa baahisay xogta duqayntan isaga oo soo xigtay ilo kala duwan oo ay kamid yihiin qolada caafimaadka waxaana dhaawac uu soo gaaray tiro kale oo lagu baxnaaninayo goobaha isbitaallada macmalka ah laga dhigay.

Cabsi xooggan ayaa soo wajahday qaar kamid ah dadkii ku sugnaa meelaha aanay ka fogayn goobaha ay duqeeyeen ciidanka Yuhuudda, diyaaradaha duulliye la’aanta ee Drones-ka loo yaqaan iyo kuwa qumaatiga u kaca ayaa gantaallo culus ku beegsanaya Magaaladaas.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay Magaalada Gaza ayaa soosaaray warbixinno ay walaac uga muujinayaan duqaynta aan loo meel dayin ee ciidamada Israaiil ay ku beegsanayaan Magaaladaas iyaga oo ku baaqay in xal loo helo weeraradaas.

Wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar sanadkii hore 2023 waxa ay ciidamada Israaiil ay gaysteen dambiyo kala duwan iyaga oo dilay Dad u badan rayid kuwaas oo isugu jiray Carruur, Haween & Dad da’ ah kuwaas oo awoodi waayay in ay isaga baxaan guryahooda.