Dowladda oo gacanta ku dhigtay nin Al-Shabaab katirsanaa 12 sano

Dowladda oo gacanta ku dhigtay nin Al-Shabaab katirsanaa 12 sano

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada Xoogga Dalka Soomaal8yeed, ayaa maanta soo bandhigay laba xubnood oo kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubnahan ayaa waxaa kamid ahaa Cali Xasan Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cali Dheere), kaasi oo tirsanaa kooxda in kabadan 12 sano.

Sidoo kale ninka kale ayaa isna waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdullaahi Cali, wuxuuna muddo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa hadda ku dhuumaalaysanaya deegaannada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Cali, ayaa kooxda kaga biiray Al-Shabaab deegaanka 20 Jirow wuxuuna u qaabilsanaa baada Shacabka Soomaaliyeed, ee ku nool gobolka Baay.

Cali Xasan Cali, ayaa kasoo qeyb-qaatay dagaallo badan oo kooxda ay gashay, kuwaas oo intooda badan ka dhacay deegaannada gobolka Baay.

Labadan nin ayaa waxaa hadda gacanta ku haaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay.

Xubnahan isa soo dhiibistooda ayaa qeeyb ka ah, cafiska ay dowladda Federaalka Soomaaliya, u fidisay Al-Shabaab halka muddooyinkii danbe ay isa soo dhiibeen Shabaabkii ugu badnaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa muddooyinkii danbe soo bandhigeysay xubno kasoo goostay kooxda Al-Shabaab kuwaas oo isugu jira dagaal yahano iyo horjoogeyaal sar sare, oo si iskooda isaga soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab, ayaa Soomaaliya ka dagaallamaya ku dhowaad 17 sanno oo xiriir ah, halka ay mararka qaar weeraro ka fuliyaan dowladaha aan dariska nahay sida Kenya iyo Itoobiya.