Wiil yar oo ku dhintay rasaastii dabaaldega 26 June

Wiil yar oo ku dhintay rasaastii dabaaldega 26 June

Muqdisho: Cabdisalaam Cali Faarax oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa ugeeriyooday rasaas kaga dhacday wadnaha, Rasaastan oo loogu dabaal dagayey 26 June.

Rasaastan oo ugu tagtay xilli uu hurday Gurigiisa ayaa sababtay in uu geeriyoodo sida ay Warbaahinta usheegeen qoyskiisu. Alle ha unaxariisto.

Dhacdadaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli taliska booliska Soomaaliyeed uu ku amray in Ciidamada kala duwan aysan ridi karin habeenada dabaaldega rasaas, hayeeshee amarkaas uu fuli waayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.