Abiy Axmed oo ka hadlay heshiiska badda

Abiy Axmed oo ka hadlay heshiiska badda

Addis Ababa (Raxanreeb) — Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan heshiiska badda, kaas oo dhaliyay xiisad xooggan oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha Itoobiya, kaas oo lagu daabacay barta X horey loo dhihi jiray Twitter, kaasoo lagu beeniyay in Itoobiya, ay ka laabatay heshiiska badda.

Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa iska fogeeyay warqado saacidihii ugu danbeeyay lagu faafiyay baraha bulshada kuwaas oo ahaa in Itoobiya, ay heshiiska badda ka baxday.

Sidoo kale Xafiiska ayaa uga digay wararka been abuurka ah, in ay ka fogaadaan dadka shacabka ah, ee lagu faafinayo baraha bulshada.

“Xafiiska Raysal Wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxa uu xafiiska sheegay wararka arrimaha gudaha iyo gobolka kuwa dibadda intaba lagu baahinayo Abiy Axmed, keliya wararka kale ay been yihiin ee bogagga kale.

“Dadka waxa aanu uga digaynaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah iyo dadka sida xun u isticmaalaya calaamadayada” ayuu mar kale lagu yiri.

“Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo. Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaaran mana jiro wax ka noqosho ah” .