Wasiir fiqi oo u duulay Turkiga, wada-hadallo lala galayo Itoobiya

Wasiir fiqi oo u duulay Turkiga, wada-hadallo lala galayo Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Ankara, Turkiga, halkaas oo ay uga qeybgalayaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.

War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inDowladda Soomaaliya ay ku taagantahay mabda’eeda ah ilaalinta madaxbanaanida, gobonnimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa aad loo hadal haayay wada-hadallada Turkiga ay ku yeelanayaan Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Leave a Reply

Your email address will not be published.