Khasaaraha Qarax ka dhacay Beledwayne oo kordhay – Maxaa caawa ka jira Beledwayne ?

Khasaaraha Qarax ka dhacay Beledwayne oo kordhay – Maxaa caawa ka jira Beledwayne ?

Raxanreeb (Beledwayne ) – Waxaa lagu soo waramayaa inuu kordhacay caawa khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

lix qof oo ay ku jiraan askar militariga Soomaaliya ka mid ah ayaa lagu dilay qarax galabta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan halka ugu yaraan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha degmda Baledweyne Cumar cismaan Calasow oo ka hadlay qaraxaas ayaa sheegay in qaraxaas loo adeegsaday gaari Home ama Caasi ah kaas oo qof naftiisa haligay uu waday.

Qaraxaan oo dhacay gabal dhacii maanta ayaa lasoo warinaya inuu ka dhacay meel u dhaw Xero ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku lahayeen Xaafada Howlwadaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published.