Dowladda Ruto oo gabood falo lagu eedeyay & dibadbaxyo sii socon doona

Dowladda Ruto oo gabood falo lagu eedeyay & dibadbaxyo sii socon doona

Nairobi (Raxanreeb )- Magaalooyin waa wayn ee dalka Kenya waxaa ka dhacay dibadbaxyo rabashado watay oo loogu soo horjeeday canshuur kordhin ay samaysay dowladda.

Waxaa hadda soo baxaya warar dheeraad ah oo la xiriira tirada dhimashada ee rabashadaha ka dhacay magaalooyinka dalka Kenya sida ay sheegayaan Hay’adaha xuquuqda Aadanaha.

In ka badan 39 qof ayaa lagu dilay dibadbaxyada dhacay  bishii hore kuwaasoo ka dhashay canshuur kordhin la qorsheeyay, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul insaanka ee qaranka

Tani ayaa ka dhigan in tirada la dilay sida ay qiratay dowladda ay ka badan tahay taas oo abuurtay walaac xoogaan oo la xiriira gabood falada dhacay intii ay rabashaduhu socdeen.

Kenya waxa la qorshayay in todobaadkan ay dhici doonaan banaanbaxyo kale oo lagu diidan yahay dowladda Rutu.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ballan qaaday in ciidamada ay ka ilaalin doonaan waddooyinka haddii mudaaharaadyada la qorsheeyay toddobaadkan, ay u dhacaan si nabad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.