Abiy Axmed oo ku adkeystay inay helaan qeyb kamid ah Badda Soomaaliya

Abiy Axmed oo ku adkeystay inay helaan qeyb kamid ah Badda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo kahor hadlayay baarlamaanka dalkiisa, ayaa soo qaaday qodobka la xariira arrinta Badda iyo damaca Itoobiyaanka, wuxuuna sheegay in ay waqti dheer Itoobiya galisay sidii ay marin biyood ku heli lahayd, wuxuu kuceliyey in ay qasab tahay in dalkiisa uu helo Badda Cas, qeyb kamid ah.

Somaliland ayuu sheegay in ay noqotay cida u horeysa ee kasoo jawaabtay dalabkooda, oo ay sidaas ula galeen Is Afgaradkii u dambeeyey, isagoo sheegay in ay Soomaaliya aad dhaqaale ugu bixisay sidii loo burburin lahaa MOU-ga, taas oo sheegay in laga maarmi karay oo ay ahayd in madaxda Soomaalida ay lahadlaan Madaxda Itoobiya, halkii ay cid gacan sadexaad ah mari lahaayeen.

Abiy ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay helida Badda, isagoo tilmaamay in ay jid kasta u marayaan, horey ayuu tilmaamay in ay abaal badan ugu leeyihiin dawladda Soomaaliya, gaar ahaana wuxuu sheegay in ay dhiiga u hureen mudo badan.

Hadaljeedinta RW Itoobiya, kuma soo qaadin waqtiga hirgalinta MOU-gii uu lasaxiixday Muuse Biixi iyo wada hadalkii u danbeeyey ee Turkiga ka dhacayba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.