Moscow “Ma jiro wada – hadal na dhaxmari kara Ukrian ” Erdogan oo loo jawaabay.

Moscow “Ma jiro wada – hadal na dhaxmari kara Ukrian ” Erdogan oo loo jawaabay.

Mosow (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Turky- ga ayaa goorsii horeysay ka dhawaajiy in dalkiisa uu diyaar u ahay in miiska wada- hadalka isugu keeno dalalka Ruush- ka iyo Ukrain.
Hadalkan ayaa Madaxwayne Erdogan sheegay wax yar uun ka dib markii uu kulan la qaatay dhigiisa Ruush- ka Puntin.

Hase ahaatee Ruushka ayaa ku gacan seyray soo jeedin ka timid Erdogan oo sheegay inuu dhex-dhexaadinayo Ruushka iyo Ukraine si dagaalka loo soo gabagabeeyo, kaddib kulan uu shalay Erdogan la qaatay dhiggiisa Putin oo ay ku kulmeen shir madaxeedka ururka Iskaashiga Shangahai (SCO) ee ka socda Kazakhstan.

Afhayeenka Putin, Dmitry Peskov ayaa hadal uu siiyay warbaahinta Ruushka , wuxuu ku caddeeyay inaysan suragal ahayn inuu Turkiga dhex dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine , isagoo aan bixin sharraxaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.