RW Xamse muxuu kala hadlay RW ku xigeenka dalka Ciraaq ?.

RW Xamse muxuu kala hadlay RW ku xigeenka dalka Ciraaq ?.

Bagdad (Raxanreeb )- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ciraaq Dr. Fu’aad Xuseen.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ciraaq,

Waxay  sidoo kale kulanka diirradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Ciraaq, guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasillinta dalka, dib-u-dhiska hey’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.