In ka badan 100 Falastiini ah oo weerar lagu dilay

In ka badan 100 Falastiini ah oo weerar lagu dilay

Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiiniyiinta Qasa, ayaa 24 saac ee la dhaafay fuliyay howlgallo ay ku beegsadeen ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha Qasa ee Dhulka Reer Falastiin.

Inta ay weerarrada socdeen waxaa geeriyooday saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Israa’iil oo aan si rasmi ah tiradooda loo soo bandhigin, halka taangiyo iyo gaadiid kale oo dagaal laga gubay ciidanka Israa’iil.

Balse, Israa’iil si ay uga jawaabto weerarradan waxay duqeyn ku dishay ku dhowaad 100 Falastiiniyiin ah 24 saac ee la soo dhaafay oo ay ku jirto duqeyn ay la beegsadeen iskuul ku yaalla Khan Yonis oo ay ku barakaceen qoysas badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.