Axmed Madoobe oo hal Arrin kala hadlay Wafdi ka socda dowladda Mareykanka

Axmed Madoobe oo hal Arrin kala hadlay Wafdi ka socda dowladda Mareykanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo tageerada dhinaca amniga ee Dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell ayaa bogaadiyay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubbaland ee lagu xoreeyay deegaanada joore gaar ahaan deegaanka buulo xaaji iyo deegaanada ku xeeran.

Wuxuu  xusay Taliyaha in guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyay ay muujinayaan sida Jubbaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin Kooxda Al-Shabaab.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland Mudane Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid.

Leave a Reply

Your email address will not be published.