Dhalinyaro Soomaali ku xirneyd dalka Libya oo Muqdisho la keenay

Dhalinyaro Soomaali ku xirneyd dalka Libya oo Muqdisho la keenay

Lix dhallinyaro Soomaali ah oo muddo sannado ah ku xidhnaa dalka Libya ayaa maanta dib loogu soo celiyey magaalada Muqdisho ka dib markii sii deyntooda ay ka wada shaqeeyeen dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa Haayaddaha xaquuq Iinsaanka.

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhalinyaradaan kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

Sannadadii la soo dhaafay waxa dib dalka Libya looga soo celiyey dhallinyaro muddo halkaas ku xidhnayd kuwaas oo ka mid ahaa tahriibeyaal doonayey in ay gudbaan qaaradda Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.