Mid kamid ah Maxaabiistii Somaliland ku qabsatay dagaalkii Laas-Caanood oo Xabsiga Hargeysa lagala baxay

Mid kamid ah Maxaabiistii Somaliland ku qabsatay dagaalkii Laas-Caanood oo Xabsiga Hargeysa lagala baxay

Maxbuus ka mid ah Maxaabiista Harti ee ku xirnaa Xabsiga weyn ee Hargeisa oo magaciisu yahay C/Raxmaan Umal Xuseen ayaa Xabsiga lagala baxay laba habeen ka hor , maxbuuskan ayaa Meel Jaan iyo cirib uu dhigey aan la garaneyn.

Sidey noo xajiiyeen dad ka mid ah Shaqaalaha Xabsiga, waxaana maalmihii ugu dambeeyey lagu hayey Maxaabiista Harti Cadaadis xoogan iyo dhibaatayn oo aan horey u jirin.

Sidaa daraadeed ,Dawlada SSC-Khaatumo waa inay la xisaabtantaa Hay’adaha u dhaxeeya iyaga iyo Maxaabiista Hargeisa sida Hay’adda ICRC kuwaa oo mar walba Laascaanood taagan si ay ugu doodaan Maxaabiista dambiilayaasha dagaal (Somaliland) ee xad dhaafka ah kuna xidhan Jeelasha Laascaanood .

Maxaabiista Laascaanood ku xiran daryeelka ay helaan ma jirto maxaabiis kale oo hesha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.