Cabdiraxmaan ‘’ Dowladda ha qaado masuuliyada wiixi ka dhacay Caabudwaaq ‘’- Falcelin.

Cabdiraxmaan ‘’ Dowladda ha qaado masuuliyada wiixi ka dhacay Caabudwaaq ‘’- Falcelin.

Muqdisho (Raxanreeb )- Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur ahna mudane ka tirsan Barlamaanka ayaa si adag uga hadlay hub fara  badan oo galay gacanta shacabka degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud.

Waxa uu  yiri Cabdiraxmaan  lagma aqbali karo  madaxda dowladda inay isaga aamusaaan masiibada ka taagan degmada Caabudwaaq.

‘’Madaxda laanta fulinta ee Dowladda Federaalka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waa in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeeyaan waxa sababay in hub baaxadaas leh uu galo gacan shacab.

Laga aqbali mayo Xukuumaddu in ay ka dhuumato fashilka masuuliyaddeeda ee xajmigaas leh.  Tani waa natiijo la filan karayey, haddiiba hannaankii iyo hay’adihii  dowladnimo ee heer Gobol iyo Federaal laga weecday, beddelkeedana la doorbiday wado qardajeex ah, macaamil shakhsi ah, iyo marin tahriib.’’ Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Intaas waxa uu hadalkiisa  raaciyay.

‘’Soomaaliya waa laga qaaday cunaqabatayntii hubka, mana jirin xiriir nagala dhexeeya Itoobiya, mana dhici karto sabab hub looga soo tahriibiyo. Halkii uu hub u gacan galo shacab, waxaa halis gala nabadda iyo xasiloonida.

Waxaan uga baaqayaa Madaxweynaha in uu kala daayo dawladnimada iyo dhaqanka la isku milayo damaca siyaasada, danaysiga shakhsiga ah iyo macaashka dalaalnimada.

Baarlamaanka Soomaaliya indhaha kama sii qabsan karo fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada. Waa in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay ‘’

Leave a Reply

Your email address will not be published.