Toogasho lagu dilay Xubin katirsan Al-Shabaab

Toogasho lagu dilay Xubin katirsan Al-Shabaab

Ciidamada xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Mesagawey ee gobalka Galgaduud ayaa saaka toogtay Nin ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo lagu qabtay koontaroolka Mesagawey, Ninka la toogtay ayaa ku hubeysnaa qoray AK-47 ah.

Dhinaca kale ciidamada ayaa qabtay 3 gaari oo nuuca layla Calaawi ah oo shidaal waday, waxaana lagu qabtay deegaanka Xuseen cagey, saraakiisha ayaa sheegay inay saarnaayeen dumar Al-Shabaab u socday ayna gacanta ku dhigeen.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay howlgallo xoogan ka wadeen degaano katirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo mararka qaar ay isku aruursanayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.