WAR CUSUB: Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Kulan xasaasi ah yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin:

1.  Akhrinta 2aad ee Hindise- Sharciyeedka  Xeerka Shaqada Soomaaliya

2. Qeybin Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa weli horyaalla ajandayaal dhowr ah oo u baahan inay ka doodaan kadibna ay ansixiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.