Xiisad ka taagan Garoonka Aadan-Cadde iyo Agaasime Koofi oo kusoo wajahan

Xiisad ka taagan Garoonka Aadan-Cadde iyo Agaasime Koofi oo kusoo wajahan

Ciidamada amniga ayaa maanta adkeeyay amaanka Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho iyadoo loo diidayo dadka doonaya in ay soo dhaweeyaan Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Korneel Maxamed Aadan Koofi oo kamid ahaa dadkii ay dambiga ku waysay Maxkamadda G/ Banaadir.

Garoonka kaliya waxaa maanta loo ogolyahay shaqaalaha, dadka soo dagaya iyo kuwa ka baxaya, maalmo ka hor sidaan oo kale waxaa garoonka in ay galaan soona dhaweeyaan loo diiday boqolaal dad ah oo u socday Agaasime hore Muxudiin Saabeey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Goob fagaaro ah ka sheegay in qofkii Mas’uul ah ee dambi lagu waayo Shahaado Shaf ay dowladda siin doono, isla markaana xilkiisa lagu soo celin doono basle ay u muuqato warkiisa uu yahay mid beenoobay.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii ay xilka qabatay waxaa ay beegsatay rag xilal horay dalkaan uga soo qabtay, kuwaas oo ay ku Eedeysay musuq maasuq, halka hadda Madax badan oo katirsan dowladda ay sicad wax u musuq maasuqayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.