DEG DEG:- Golaha Shacabka oo Mooshin la horkeenay kana doodaya Maanta

DEG DEG:- Golaha Shacabka oo Mooshin la horkeenay kana doodaya Maanta

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Lagu wadaa in Maanta xarunta Villa Hargeysa ay ku yeeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah oo todobaadkiiba Saddex jeer ay yeeshaan Kulamada.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay kala yihiin:

1.  Ka doodista Soojeedinta (Mooshinka) Xildhibaanada oo  ku saabsan “ Hubka Sharci darada, Dagaalo beeleedyada iyo Xasaanadda Xildhibaanada.

2. Qeybin

A) WARBIXINTA AKHRINTA 2AAD

HINDISE SHARCIYEEDKA XAKAMEYNTA KIIMIKOOYINKA BEERAHA SOOMAALIYEED

B) WARBIXINTA AKHRINTA 2AAD

HINDISE SHARCIYEEDKA HAY’ADDA SHARCIYEYNTA ADEEGYADA & BAARITAANKA BEERAHA SOOMAALIYEED” (SARIS).

C) WARBIXINTA AKHRINTA 2AAD

HINDISE SHARCIYEEDKA ABUURKA IYO NOOCYADA AYNIGA DHIR-BEEREEDKA

D) WARBIXINTA AKHRINTA 2AAD HINDISE-SHARCIYEEDKA BADBAADADA DHIR-BEEREEDKA IYO TAKOORKA

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa weli horyaalla Hindise sharciyeedyo kala duwan, kuwaas oo Todobaadyada soo socda qaarkood la filayo inay ansixiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.