Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa galinkii dambe ee Shalay ku dishay deegaanka Philipi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape town wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Soomaalida dalkaas u shaqo tagtay.

Ninkaan dhalinayarada ahaa ayaa la sheegay in kooxda burcada ah ay ku weeraraan goobtiisa ganacsi oo ku taalay Philipi, waxaana la soo wariyay in burcada rasaas badan ku dhufteen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Cabdullaahi Axmed oo loo yaqiinay Cumar Qamarji.

Buracadii geystay dilka muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa dilka kadib horay u qaatay lacago iyo agab kale oo dukaanka yiilay, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa saacado kadib gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo sameenayay baaritaanno ku aadan dilka, lamana sheegin ilaa hadda cid loo soo qabtay falkan dilka ah ee loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa si joogta ah u la kulma dilal iyo dhac ay u geystan kooxo burcad ah oo u dhalatay dalkaas, mana jirto wax ay ka qabato dowladda Koonfur Afrika  dilalka joogta ah iyo dhaca loogu geysto ganacsadata Soomaaliyeed gudaha dalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.