Dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Laba Ruux ayaa ku geeriyootay Dagaal ka dhacay Deegaanka Laan Buraale oo u dhow Balli-dhiig, waxaana halka lagu dagaalamey deegaan aan ka fogeen xad beenaadka Galgaduud iyo DDS ee Gobolka Qoraxeey.

Dagaalka ayaa u dhexeeya Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Waqooyiga iyo Koofurta Balambal.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana ay cabsi darreemayaan.

Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaala, iyada oo dhowr jeer colaad Beeleedyo ay ka dhaceen degaano badan oo katirsan Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.