Guddiga xuquuqal insaanka Somaliland oo walaac ka muujiyay xaalada Xildhibaan Maxamed Abiib.

Guddiga xuquuqal insaanka Somaliland oo walaac ka muujiyay xaalada Xildhibaan Maxamed Abiib.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Xildhibaan Maxamed Abiib oo katirsan golaha Wakiillada maamulka Somaliland, ayaa isbuucii labaad ku xiran xabsi kuyaalla magaalada Hargeysa, mana jirto ilaa hadda wax maxkamad ah oo lasoo taagay xildhibaanka u xiran Madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa xabsi ku jira xilli wali uu wali huwan yahay xasaannadii xildhibaannimo, waxaana dhagaha ka fureestay xeer ilaalinta maamulka Somaliland dalab horey uga soo baxay xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland oo ku baaqayay in xildhibaanka xurriyadiisa la siiyo.

Dhanka kale, guddigga xuquuqul insaanka ee Somaliland oo xildhibaanka ku booqday xabsiga uu ku xiran yahay, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaalada xildhibaanka oo sharcidarro ku xiran, waxa ayna guddiga sheegeen in xildhibaanka lagu xadgudbay lana dhoorin xasaannadiisa.

Waxa ay guddiga xaquuqul insaanka Somaliland ku baaqeen in si deg deg ah xildhibaanka u helo caddaalad iyo xaquuqdiisa, waxa ayna tilmaameen in walaac hor leh keeneyso in xildhibaanka uu sii xirnaado isaga oon helin caddaalad iyo xaquuqdii uu lahaa.

Hooyada dhashay xildhibaan Maxamed Abiib ayaa la sheegay in loo oggolaaday in xabsiga ku booqato wiilkeeda, waxa ayna xubno katirsan qoyska xildhibaanka sheegeen in xaaladiisa wannaagsan tahay, balse wajahayo caddaalad darro una xiran yahay dulmi iyo awood sheegasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.