Sudan ( Raxanreeb Online) U dhaq-dhaqaaqayaasha arrimaha bulshada Sudan ayaa Isniintii sheegay in Ciidanka Taageerada Degdega ah ee RSF, ay ku dileen ku dhawaad 300 oo qof weerarro ay ka geysteen Sabtidii gobolka Waqooyiga Kordofan.
Ciidamda RSF, ayaa dagaallo kula jira ciidanka milatariga Sudan ee gobolkaas, kaas oo ka mid ah jiidaha hore ee dagaalka xoogan ee billowday bishii Abriil 2023-kii.
Milatariga ayaa gacanta ku haya bartamaha iyo bariga dalka, halka RSF ay isku dayeyso in ay xoojiso sii haysashada galbeedka dalka, oo ay ku jiro Waqooyiga Kordofan.
Ururka Qareennada Gurmadka Degdegga ah ee Xuquuqda Aadanaha ayaa Isniintii bayaan ku sheegay in RSF ay weerareen dhowr tuulo oo ku xeeran magaalada Bara oo ay RSF maamusho.
Ururkan u dooda xuquuqda aadanaha oo diiwaangeliya xadgudubyada dagaalka laba sano jirsaday ee u dhexeeya milatariga iyo RSF, ayaa sheegay in dad badan oo rayid ahaa lagu xasuuqay halkaa Axaddii kadib markii ciidamada RSF ay galeen tuulada Umm Qirfa ee gobolka Waqooyiga Kordofan, halkaas oo ay sidoo kale ku gubeen guryo kuna dhaceen hanti dadweyne.
Sidoo kale, ururku wuxuu intaa ku daray in tuulada Shaq al-Num, in ka badan 200 qof lagu gubay ama lagu toogtay. Warbixinnadu waxay sidoo kale muujinayaan in tuulooyin kale oo la bililiqeystay ay sababeen dhimashada 38 qof oo rayid ah, iyadoo dad badan wali la la’yahay.

Leave a Reply