War cusub oo kasoo kordhay Markabkii ay qabteen ciidanka Puntland

War cusub oo kasoo kordhay Markabkii ay qabteen ciidanka Puntland

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya Markab Xamuul ah oo laga lee yahay dalka Comoros oo ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ay ku qabteen deegaanka Bareedo ee gobolka Raas Casey nee Puntland.

Markabka oo magaciisa lagu sheegay Sea World, ayaa kaso baxay dalka Turkiga, waxaana la sheegay in uu waday hub iyo sanaad ciidan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Markab ay saameeyeen dabeelo, isla markaana uu soo maciin biday xeebta gobolka Bari, sidaasna ay ciidanka Puntland ay ku qabteen.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in 21 bishan Luulyo uu yimaado magaalada Muqdisho, si looga dejiyo shixnada uu wado.

Muqaalka iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Gaadiidyo gaashaaman iyo hub fara badan in uu wado Markab.

Weli dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland kama aysan hadlin xaalada Markabka xamuulka iyo hubka uu wado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.