Muqdisho (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin horumarka dalkooda, loogana fadhiyo in ay xoojiyaan doorka kaga aaddan garab istaagga ciidanka qalabka-sida iyo hirgelinta doorashooyinka awoodda loogu celinayo bulshada dalka.
“Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya, oo ah qorshe diirradda saaraya horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo casriyeynta hey’adaha dowladda. Waxaa la idinka rabaa in aad xoogga saartaan midnimada dalkeenna oo marar badan halis gashay. Waxaa la idinka doonayaa in aad isku xirnaataan, oo aad qeyb ka noqotaan dhismaha dowladnimada, doorashada iyo difaaca.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha, oo ka qeyb galay munaasabad ku aaddan doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee garab istaagga dowladda, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay door wayn ku leeyihiin qurbajoogto, taas oo muujinaysa kaalintooda lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin dalka.

Leave a Reply