Jabuuti ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib caasumaad uu ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha iyo wefdiga waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin sare oo katirsan dowladda dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa la filaya inuu kulan la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana labada hoggaamiye ay kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

Leave a Reply