Maxaas ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab uu ka socd deegaan ku yaalla duleedka degmadaasi.
Dagaal ayaa yimid kaddib markii dagaalamayaal katirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qadeen saldhig ay ciidanka huwanta ah ku lee yihiin deegaanka Ceelgorof oo ku yaalla inta u dhaxeeysa Maxaas iyo Baxdo ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dagaalka laisku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiil katirsan ciidanka xoogga ayaa sheegay in ay ka hortageen weerarka ay Al-shabaab ku soo qadeen saldhiga ay ciidanka xoogga iyo kuwa Macawiisleey ay ku lee yihiin deegaanka Ceelgorof, sidoo kalana ay kooxda Al-shabaab gaarsiiyen jab xooggan.
“Howlgal culus oo ka dhan hawaarija ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal katirsan khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Sikastaba, maalmihii lasoo dhaafay degmada Maxaas, waxaa ka socday abaabul xooggan oo lagu doonayay in sare loogu qaado howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Leave a Reply