Boosaaso ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidanka difaaca Puntland ay maanta ka sameeyeen Togga Baalade’e ee Buuraladeyda Calmiskaat, gaar ahaan aaga Kalshalayaal oo saldhig weyn ay kooxda Daacish halkaasi ku laheyd.
Ciidanka ayaa inta uu howlgalka socday waxa ay gacanta kudhigeen Hubkii ugu badnaa oo noocyo kale duwan leh, iyo Agabyo rasaas oo noqonayaa kii ugu badnaa ee hal aag looga qabto Daacish tan iyo markii uu biloowday howlgalka.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in hubka ay qabteen ay kooxda Daacish ugu tala gashay in ay isticmaalaan xubnahooda weli ku jira godadka Baalade’e, balse ay ciidanka ka hortageen.
Sidoo kale howlgalka inta uu socday ciidanka ayaa dilay saddex kamid ah xubnaha Daacish ee halkaas kusugnaa, halka kuwii dhaawacmay ay kooxdu horay u jiteen.
Saraakiisha difaaca Puntland ayaa tilmaamay in hubka ay qabteen uu isugu jiro bambaanooyinka culus, Hoobiyayaal iyo Saanad cadad ahaan badan.
Waxa ayna sidoo kale saraakiisha howlgalka waday xaqiijiyeen in ay wali kujiraan kala shaandheynta iyo howlgalka oo saaka bilowday aana wali dhammaan.

Leave a Reply