Laascaanood ( Raxanreeb Online) Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, maanta waxaa ka dhacday doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Cabdulqaadir Firdhiye ayaa loo doortay madaxweynaha, kaddib markii uu wareegii labaad uu tanaasulay musharaxii la tartamayay Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka maamulka waqooyi Bari Soomaaliya ayaa cod gacan tag ah loogu doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ( Abwaan) oo horay soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland.
Madaxweynaha cusub iyo ku-xigeenkiisa ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa hoggaamin doonaa maamulkaasi shanta sanno ee soo socota.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda iyo kormeerayaal kale ayaa ku suganaa goobta doorashada, kuwaasi oo kor kala socday hannaanka doorashada ay u dhaceyso.

Leave a Reply